Ka boodo Baaritaanka
Summada Locomotive

Astaanka NE 130th Infill

Soo dhawoow

Balaadhinta astaanka 130th Street Station ee Sound Transit ayaa siinaysa adeeg dheeraad ah dadka degan Koonfurta Seattle marka la dhameeyo. Ka fiiri bartaan xog ku saabsan xiliga uu dhamaanaayo dhismaha istaanku, muuqaalka wadada, iyo hormarinnada jidka inta lagu jiro labada iyo barka sano ee soo socda. Xog badan ka ogoow waxa ay tahay inaad filato inta aan diyaarinayno istaanka in la furo bartamaha 2026. Mashruuca balaarinta Lynnwood Link, kaasoo isku xiraaya adeegyada Istaanka Northgate ilaa Lynnwood City Center, ayaa loo mudeeyay in adeegga loo furo xiliga dayrta 2024.

Muuqaalka dusha sare laga duubay ee xaafada u dhow taasoo laga dhisi doono istaanka mustaqbalka ee wadada tareenka oo ku taala NE 130th St

Sanadkii 2016 codbixiyaasha ayaa ogolaaday in lagu daro istaanka tareenka fudud oo tagaaya Lynnwood Link Extension ee wadada NE 130th St by 2031. Febraayo 2020, Gudiga Gaadiidka ee Sound ayaa u ogolaaday shaqaalaha inay dhameeyaan naqshada ugu danbaysa ee istaanka, markii la gaarayna xagaaga 2022 Gudiga ayaa ogolaaday miisaaniyad dheeri ah iyo isbadellada qandaraaska si loo boobsiiyo dhismaha Astaanka NE 130th Street Infill. Go'aankaan ayaa boobsiiyay furitaanka istaan cusub bartamaha 2026, kaasoo lagasoo hormariyay qorsheyntii hore oo ahayd 2031 oo ahayd taariikhdii loo qorsheeyay furitaanka ST3.

Istaanka cusub ayaa u adeegi doona xaafadaha la dagan yahay ee sii balaaranaaya ee u dhexaysa istaannada Northgate iyo Shoreline South/148th waxaana lagu dhex dhisi doonaa marinta horey u jiray ee Lynnwood Link Extension. Marka la dhamaystito bartamaha 2026 waxa aanu ku qiyaasaynaa in istaanka NE 130th Street Infill maalintii ay ka raaci doonaan ilaa 3,400 oo tagaaya istaanka Westlake 15 daqiiqo gudahood iyo istaanka SeaTac/Airport 53 daqiiqo gudahood.

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan istaanka NE 130th Street Infill iyo guud ahaan taariikhda mashruuca Lynnwood Link oo waxaa laga heli karaa boga mashruuca Sound Transit.

Xog dheeri ah oo ku saabsan mashaariicda kale ee u dhowdhow oo ay hogaaminayaan iskaashatada wakalaadeena ayaa laga heli karaa Mashruuca Isku Socodka iyo Badqabka ee City of Seattle NE 130th iyo NE 125th iyo webseedyada Mashaariicda City of Shoreline 145th Street .

Qariirada muujinaysa goobta marinka wadada tareenka ee Lynnwood Link Extension iyo shan istaanood, uuna ku jiro istaanka mustaqbalka ee NE 130th St Infill

Nagala hadal dhismaha ka socda xaafada.

Kulanka Furan ee Dhismaha Kahor ee Istaanka NE 130th St

  • Talaadada, Oktoobar 24, 5 galabnimo - 7 habeenimo
  • Qolka Kulannada ee Maktabada magaallada Lake
  • 12501 28th Ave NE
  • Seattle, WA 98125

Munaasabada Kulanka furan ee dhismaha kahor ee Istaanka NE 130th St waxaa loogu talo galay dadka xaafada iyo xubnaha bulshada si ay ula kulmaan kooxdeena, ay wax uga ogaadaan mashruuca, u fahmaan jadwalka, ayna noo waydiiyaan su'aalo. Xog badan ka ogoow bartaan taasoo ku saabsan waxa aad filan karto inta dhismuhu socdo, sida aad ku helayso xogta ku saabsan hawlihii ugu danbeeyay ee dhismaha, iyo sida aad nagula soo xiriirayso. Ma imaan kartid? Xog ku saabsan bartaan ayaa daboolaysa faahfaahinta ugu balaaran. Haddii aad wali qabto su'aalo, fadlan la xiriir kooxda dhismaha.

Istaanka NE 130th St Infill waxaa ku socon doona dhisme ilaa bartamaha 2026, halka Lynnwood Link Extension ay u diyaar garoobayso inay biloowda adeeg ku xiraaya Northgate ilaa Lynnwood City Center dayrta 2024.

Jadwallada labadaba mashruuca guud ee Lynnwood Link Extension iyo Istaanka NE 130th St Infill. Dhismaha Lynnwood Link ayaa soconaaya inta u dhexaysa 2019 iyo 2023, ayadoo tijaabada la samayn doono 2024. Adeegga dakhliga ayaa bilaabanaaya dayrta 2024. Istaanka NE 130th St, injineeriyada hore ayaa dhacaysa inta u dhexaysa 2019 iyo bartamaha 2020; naqshada kama danbaysta ah ayaa dhacaysa laga bilaabo bartamaha 2020 ilaa 2022; dhismaha qaab dhismeedka iyo naashnaashka istaanka ayaa la samaynayaa inta u dhexaysa 2022 iyo bartamaha 2025; tijaabada ayaa dhacaysa sanadka 2025 ilaa bartamaha 2026.

Naqshada istaanka ayaa muujinaysa aqoonsiga gaarka ah ee xaafadaan ayadoo ah deegaan magaallo casri ah, doonista bulshada ee naqshad casri ah, iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah ee u dhow Thornton Creek. Naqshada waxaa ku jira midab ifaaya iyo farshaxan, aaga fadhiga, qaabka dhulka dabiiciga ah, iyo qaybaha dabiiciga ah sida celinta biyaha daadka iyo dhagaxaanta waawayn. Dib u naqshadaynta naqshada kama danbaysta ah ee istaanka ayaa lagu daray dusha sare ee qaybtaan.

Kooxda naqshada ee Sound Transit ayaa isku dhafaaya fikirka aan helnay dayrta 2020 ee ku aadanayd naqshada kama danbaysta ah ee istaanka. Xubnaha bulshada ayaa laga codsaday inay nala wadaagaan dookhyadooda midabka, fadhiga, iyo boorarka. Midabka buluuga ah ee ay xusheen bulshadu ayaa lagu adeegsaday si balaaran dhammaan dhamaadka shaqooyinka istaanka, oo si gaar ah la xiriira dibcaha mareegta kor u jeeda (jaranjarooyinka, wiishashka, iyo jaranjarooyinka socda). Qaybaha fadhiga waxaa ku jira labadaba dhagaxaanta la haawiyay oo muujinaaya aqoonsiga naqshada istaanka ee u dhow Thornton Creek, iyo sidoo kale dhagaxaanta la dhisay ee shubka ah ee ku yaala dhammaan aagag dhismaha. Boorarka ayaa ka samaysan qalinka casriga ah ee leh dusha soo daadagaysa.


Farshaxaniiste Romson Bustillo, farshaxaniiste ku nool Seattle, ayaa abuuraaya naqshadaha farshaxanka astaanka. Bustillo wuxuu ku dhashay jasiirada Mindanao ee wadanka Philippines. Shaqooyinkiisa naqshadaysan iyo wada shaqaynta xirfadeysan ayaa kasoo bilaabatay asalkiisii hore ee Philippine, kobaciisa Koonfurta Seattle/Waqooyi Bari Baasifiga, iyo safarada badan ee cilmi baarista socdaalka. Gudiga xulashada farshaxaniistaha oo ka kooban xubnaha bulshada iyo xirfadleyaasha farshaxanka/naqshada ayaa la iskugu keenay si ay qaab qoto dheer ugu eegaan farshaxankiisa iyo shaqada istuudyoowgiisa xirfadaha kaladuwan, waxayna doorteen Bustillo si loo abuuro naqshada farshaxanka astaanka NE 130th ayadoo la cuskanaayo shaqadiisa hore iyo higsigiisa xarunta.

Istaanka la casriyeeyay ayaa Bustillo ku dhaliyay inuu ka fakaro xaafadaha saarnaa taaga ee wadankii uu ku dhashay, tixraacaan ayaana kamid ah qaybo badan oo kamid ah naqshadiisa juquraafiga ee muujinaaya qaybaha astaanta ah ee dhaqankiisa, mawxada dhaqanka ee astaanka iyo xaafada, iyo dadka dagan, waagii hore iyo hadaba. Ujeedada Bustillo waxay ahayd inuu abuuro shaqo marti gelin leh taasoo muujinaysa mustaqbal rajo badan, taageeraaya sheeko sheegista, dhiiri gelinaaya ikhtiraaca, oo door ka qaadanaaya marin helida.

Albaabka dhanka koonfureed, halkaasoo inta badan rakaabku ay ka geli doonaan istaanka, farshaxanka riinjiga ah ayaana u badelaaya qaybta jidka hagista oo soo dhawaynaaya rakaabka marka ay yimaadaan istaanka. Farshaxanka Bustillo ayaa hagaaya rakaabka inta ay galayaan ayna ka baxayaan istaanka ayna tagayaan mashiinnada tigidhada iyo xarumaha tareenka. Naqshadiisa ayaa lagu dhalin doonaan boorarka midaba badan, ee sharaxaada oo lagu duubaayo aagaga albaabada labadaba qaybaha waqooyiga iyo koonfurta. Dhismaha adeegga, ee bartamaha istaanka, ayaa sidoo kale lagu dabooli doonaa geeskiisa u jeeda dhanka bariga oo leh boorarka sharaxaada 100 fiid ah, kaasoo leh nooqyada kale ee naqshada iyo midabada.

Romson Bustillo ayaa kusoo hor bandhigi doona Gudiga Talo Bixinta Farshaxanka ee Dadwaynaha ee Magaallada Seattle Oktoobar 24 si uu usoo bandhigo qaybo kamid ah farshaxanka kuwaasoo lagu dhajin doono istaanka labadaba albaabada Waqooyiga iyo Koonfurta, iyo sidoo kale farshaxanka xarunta dhexe. Xogaha dheeriga ah ee ku aadan farshaxanka dadwaynaha ee astaanka ayaa la soo bandhigi doonaa dayrtaan.

Qaabkayga waxaa hagaaya cilmi baaris, goobta astaanka, dhulka ku xeeran iyo dabiiciyada, gaadiidka, iyo aqoon kororsiga bulshada ayaa la qabtay. Waxaan tixgeliyay sida cabirka muhiimka ah ee mashruucaan ugu sahlaayo labadaba khibradaha dhiiri gelinta iyo higsiga ee bulshada.

Anagoo ka shaqeynayna abuurista kaydka “glyphs,” iyo qaybaha u dadka safraaya iyo dadka xaafada inay door ka qaataan abuurista iyo helitaanka sheekooyinka gudaha farshaxanka. Tusmooyinka muuqda ayaa taageeri doona jid gelista kuna duwaaya dadka lugaynaaya albaabada istaanka.

Romson Regarde Bustillo

 

Dhismaha istaanka

Dhismaha Istaanka NE 130th St Infill ayaa lagu sameeyay qaybo kaladuwan ayadoo Mashruuca Lynnwood Link Extension uu dhaqan galaayo. Shaqada qaabka istaanka iyo dhismaha saqafka birta ah ayaa la dhameeyay, taasoo sahlaysa tijaabada shaqada kahor inta aan la furin mashruuca Lynnwood Link oo ku beegan dayrta 2024.

Shaqada waxaa hadda lagu wareejiyay qandaraasle kale kaasoo dhamaystiri doona qaybta ugu danbaysa, ayna ku jirto dhismaha naaqshnaashka istaanka, iyo hormarinnada xarunta iyo wadada. Dhismaha iyo tijaabada ayaa dhici doonta inta u dhexaysa hadda iyo furitaanka istaanka oo ku beegan bartamaha 2026.

Sawirka xarunta istaanka oo dhisme ku socdo, ayna ku jirto qaab dhismeedka birta ah.

Waxa ay tahay inaad filato inta lagu jiro dhismaha

Dhismaha ayaa la boobsiin doonaa xarunta waxaadna arki doontaa shaqo badan laga bilaabo dayrtaan/jiilaalkaan anagoo sii wadna dhismaha istaanka qaab dhakhso ah, heerka aasaaska dhismaha, iyo sidoo kale wadooyinka ku xeeran. Dhismaha ayaa shaqeyn doona ilaa bartamaha 2026, ayna ku jirto tijaabada laynka xaruntaan, kahor furitaanka istaankaan.

Waxaan ku dedaalnaa inaan ahaano daris wanaagsan waxaana aqoonsan nahay in dhismuhu carqalad abuuraayo. Waxaad filan kartaa waxyaabaha soo socda inta lagu jiro dhismaha:

  • Isku socodka joogtada ah ee shaqaalaha iyo qalabka waawayn ee istaanka iyo aaga ku xeeran; saacadaha caadiga ah ee shaqada ayaa ah 7 subaxnimo - 5 habeenimo, Isniinta ilaa Jimcada.
  • Qaylo, gariir, iyo boor la xiriira dhismaha wayn.
  • Xiritaannada wadada ama isbadellada si loo taageero dhismaha, ayadoo ay diyaarsan yihiin xakamaynada gaadiidka iyo difaacyada, marka loo baahdo. Hoos ka fiiri faahfaahin dheeri ah oo ku aadan xiritaannada mudada dheer.
  • Shaqada aalaseeyda ama shaqada habaynkii ee ka baxsan saacadaha caadiga ah ayaa qasab noqonaysa mararka qaar si loo ilaaliyo adeegyada guryaha iyo wadada si loo yareeyo saamaynta isku socodka ama la iskugu dubarido tijaabada iyo shaqada Lynnwood Link Extension; dadka deegaanka ayaa loogu wargelin doonaa si toos ah xaaladahaan.
  • Xiriirka tooska ah ee ka yimaada kooxda isku xirka iyo dhismaha ee Sound Transit marka dhismuhu uu sababi karo saamaynada ku meelgaarka ah ee ku dhacaaya dadka deegaanka, ayna ku jirto gelitaanka dhismaha.
  • Ogeysiisyada joogtada ah iyo xogaha dhismaha oo lagu baxsho wararkeena iimeelka. Waxaad iska diiwaan gelin kartaa wararka cusub halkaan.

Xiritaanka wadooyinka

Xiritaannada waawayn ee wadooyinka ayaa muhiim u noqon doona gelitaanka barta, si loo dhigo qalabka iyo qabka loona sameeyo hormaro.

  • Dabayaaqada 2024/biloowga 2025, waxaa jiri doona xakamaynta wayn ee gaadiidka maraaya istaanaka NE 130th St, wadada 5th Ave NE waqooyiga iyo koonfurta 130th, iyo marinka NE 130th St laga bilaabo I-5.
  • Xiritaanka buuxa ee wadada ayaa sii soco doonta 5th Ave NE inta u dhexaysa North Seattle Church ee Nazarene iyo NE 145th St. Xiritaanka 5th Ave NE ayaa socon doona mudada mashruuca; marka la furaayo, 5th Ave NE ayaa mari doonta dhanka waqooyi keliya waxaana ku jira marinka baaskiilka/dadka lugaynaaya.
  • Waxaa muddo dheer la xiri doonaa NE 130th St I-5 off-ramp (15 maalmood) iyo ilaa toban dhamaadka asbuuca aha ee xiritaanka wadooyinka si loo diyaarsho dibna loogu dhiso geesaha wadada. Xog dheeri ah oo ku saabsan wakhtiga xiritaanadaan ayaa lagu soo gudbin doonaa fariimaha dhismaha.
Qariirada oo muujinaysa xiritaannada mudada dheer iyo xiritaanka joogtada ah iyo xakamaynta gaadiidka ee aaga wadada tareen mustaqbalka ee NE 130th St iyo 5th Ave NE.

Su'aalaha badanaa la iswaydiiyo

Shaqada wayn ee dhismaha ayaa bilaabanaysa Nofeembar 2023 waxayna soconaysaa ilaa biloowga 2026.


Tilmaamaha leexashada ayaa lasoo dhigi doonaa marka wadada la xiro. Tan waxaa ku jiri doona leexinnada xiritaannada waawayn ee wadada NE 130th St, 5th Ave NE, iyo I-5 NE 130th St. Fadlan la soco fariimahaa iimeelkeena ee talo bixinnada gaadiidka iyo marinnada loo leexanaayo xiritaan kasta.


Haa, shaqada aalaseeyda ama shaqada habaynkii ee ka baxsan saacadaha caadiga ah ee shaqada ee 7 subaxnimo - 5 galabnimo ayaa qasab noqonaysa mararka qaar si loo ilaaliyo adeegyada guryaha iyo wadada si loo yareeyo saamaynta isku socodka ama la iskugu dubarido tijaabada iyo shaqada Lynnwood Link Extension; dadka deegaanka ayaa loogu wargelin doonaa si toos ah xaaladahaan.


Mashaariic kale oo kaladuwan ayaa aaga ka socon doona isla wakhtigaas:

  • Lynnwood Link Extension: Furintaanka xiliga Dayrta 2024, balaarinka Isku Xirka Lynnwood waxa uu gaarsiin doonaa tareenka korontada ku shaqeeya laga bilaabo Northgate oo galaysa Ismaamulka Snohomish, taasoo maraysa afar astaan, Shoreline South/148th, Shoreline North/185th, Mountlake Terrace, iyo Lynnwood City Center. Astaanka NE 130th St waxaa u adeegi doona marinkaan laga bilaabo bartamaha 2026.
  • Mashruuca Isku Socodka iyo Badqabka ee City of Seattle NE 130th iyo NE 125th Seattle Department of Transportation (Waaxda Gaadiidka ee Seattle) ayaa hogaaminaysa shaqada lagu bixinaayo helitaanka wanaagsan ee astaanka tareenka ayadoo hormarin lagu samaynaayo NE 130th St, Roosevelt Way NE, iyo NE 125th St inta u dhexaysa 1st Ave NE iyo Lake City Way NE. Sound Transit ayaa ku bixinaysa ~$4M oo ah maaliyada gaadiidka aan matoorka lahayn ah oo ku baxaysa hormarinadaan. Dhismaha ayaa la filayaa inuu dhammaado 2025/2026.
  • Mashruuca Isku Socodka City of Shoreline I-5/SR523: City of Shoreline Public Works (Waaxda Shaqada Dadwaynaha ee Magaallada Shoreline) ayaa hormarinno ku samaynaysa wadada NE 145th St, ayna ku jirto isgoyska 5th Ave NE. Shaqada waxaa qayb ka ah WSDOT. Maalgelinta waxaa qayb ahaan lagu baxshay deeqda Sanduuqa Nidaamka Isku socodka ee Sound Transit. Dhismaha ayaa la filayaa inuu dhaco 2024-2025.
  • Buundada aan Gaariyaashu Marin ee Magaallada Shoreline: Magaallada Shoreline ayaa dhisaysa buundada cusub ee dadka lugaynaaya iyo baaskiiladu maraan oo laga dul dhisaayo I-5 at N 148th Street. Buundadu waxay marin muhiim ah oo cusub siinaysa dadka lugaynaaya/baaskiilka dul maraaya 1-5, waxay kor u qaadaysaa badqabka, waxay yareynaysaa wakhtiyada safarka, waxayna hormarinaysaa helitaanka gaadiidka gobalka ee astaanka mustaqbalka ee Shoreline South/148th. Dhismaha ayaa la filayaa inuu dhaco 2024-2026.
  • ST Stride S3 BRT: Marinka S3 Stride ayaa u adeegi doona bulshooyinka sii koraaya ee waqooyiga Lake Washington ayadoo isku xiraysa Shoreline iyo Seattle ilaa Bothell. Mashruuca ayaa ku xiraaya rakaabka wadada tareenka ee Link Light ee marta Shoreline South/148th ee cirifka galbeed ee marinka, iyo laynka S2 ee Bothell, cirifka bari ee aaga. S2 iyo S3 ayaa iskaga darsamaaya SR 522/I-405 Transit Hub ayadoo la adeegsanaayo gaadiidka ay bixiso Sound Transit, Community Transit iyo King County Metro. Dhismaha ayaa la filayaa inuu biloowdo 2024, uuna adeegga bilaabo 2027.

 

Nala soo xiriir

Waad ku mahadsan tihiin inaad soo booqataan gurigeena furan ee online-ka ah! Waxa aanu rajaynaynaa inaad nala shaqayn doontaan. Waxaan xog joogto ah ka bixin doonaa shaqooyinka dhismaha iyo hormarka. Si aad u hesho fariimaha iyo macluumaadka ugu danbeeya ee mashruuca Istaanka NE 130th Street Infill, waxa aad isku diiwaan gelisaa wararka inaad ku hesho iimeelkaaga!

Iska qor Wargayskeena

Haddii aad u baahan tahay inaad nala soo xiriirto inta lagu jiro saacadaha shaqada adoo qaba su'aalo ama walaacyo, fadlan nala soo xiriir.

Wixii su'aalo ama macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan istaanka NE 130th Street Infill, fadlan la xidhiidh:
 
Ma qabtaa walaac kadib saacadaha dhismaha? Wac Laynkeena tooska ah ee 24 saac shaqeeya 888-298-2395